Dunida Islaamka oo si isku mid ah loogaga wada ciidi doono Axada

Inta badan dalalka Islaamka oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa xalay iyo maanta loogaga dhawaaqay in maalinta Axada ah ay noqon doono maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Muslimiinta ayaa kadib marki ay soo soomeen 30-ka maalin ee bisha Ramadaan ayaa u dabaal dagi doona munaasabada ciida oo ah mid ka mid ah ciidaha Islaamka ee labada ah.

Xalay waxaa si isku mid ah ugu dhawaaqay in Axada oo ah maalinta koowaad ee Bisha Shawaal ay tahay ciida, dalalka Qatar, Saudi Arabia, Jordan, Masar, Kuwait, Lubnaan, Imaaraadka Carabta, Oman, iyo Falastiin,  sidoo kale dalka Soomaaliya ayaa isna qaatay go,aanadaasi.

Maxkamada sare ee dalka Sacuudiga ayaa iyaduna sheegtay in sabtida la taam yeelay oo la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadaan, koowda bisha Shawaalna ay tahay maalinta ciid.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogaga tukaameysanayaa, iyadoo suuqyada Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Xamar Weyne ay dadku isku curjinayaan wadooyinka iyo tukaamada si ay u iibsadaan dhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here