Dumarka India oo qaati ka taagan musqul la,aan baahsan oo lasoo darastay

Dumarka ku nool deegaanada baadiyaha ah iyo xaafadaha ay daganyihiin dadka faqriga ah ayaa qaatyaan ka taagan musqul la,aan baahsan oo heysto.

Haweeneey dhawaan lasoo guursaday oo ku nool xaafad ka tirsan gobolka Madhya Pradesh ayaa dhawaan ka tagtay ninkeeda sababtoo ah guriga muusan laheyn wax musqul ah.

Seyga Mrs Narre oo lkagu magacaabo Shivram, ayaa sheegay inuusan awoodin inuu dhiso musqul sababtoo ah qarashka soo galo oo ah mid aad u yar.

Anita Narre ayaa sideed maalin kadib ka tagtay seygeeda oo ah  shaqaale mushaar aanan badneyn ka qaata dowlada.

Laakin ka tagista gurigeeda ayaa ku qasabteay odaygeeda inuu dhiso musqul taasina waxay fududeysay in ay dib ugu laabato gurigeeda cusub.

NGO maxali ah oo ka dhisan dalka India ayaa ku abaal mariyey $10,000 Mrs Narre iyaga oo sheegay in ay layaabeen go,aanka geesinimada leh ee ay qaadatay iyo sida ay odaygeeda ugu qasabtay inuu dhiso muqsul.

Dhibaatada xoogeeda waxaa laga sheegayaa meelaha miyiga ah waxaana dadka ugu daran ee ay saameysay ka mid ah dumarka.

Shivram ayaa sheegay in ay hada usoo laabatay xaaskiisa kadib marki uu ugu dhisay musqusha lacago mushaarkiisa ah iyo kaalmooyin ay siyeen Golaha Deegaanka.

“Ma ahan wax u wanaagsan dumarka in ay saxaro u aadaan dibada, taasi waxa loogaga baahanyahay in guri walbaa uu yeesho musqul, kuwa aanan heysan waa in ay hubiyaan in ay helaan hal xabo,” ayey Mrs Narre u sheegtay BBC.

In ka badan nus bilyan Hindi ah ayaa waxaa heysta musqul la,aan xoog leh, iyaga oo kusoo saxarooda meelaha ka fog fog xaafadaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.