Dumarka Baabuurta kaxeeya oo kusoo badanaya Muqdisho

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay dumarka kaxeya Baabuurta, waxaana waqtiyadii hore adkayd in dumarka ay Baabuur ku kaxeystaan wadooyinka Muqdisho sababo amaan dartood.

1002558_1391879557702402_247762667_n

“Gaariga wadistiisa waxaan aqaanay ilaa waqti hore, laakiin xiliyadaan danbe ayaan bilaabay inaan magaalada Dhaxdeeda ku dhax wato Gaarigeyga’ sidaa waxaa tiri Naciimo Xuseen oo kamid ah dumarka Gawaarida ku dhex wata magaalada Muqdisho.

Naciimo, waxay sheegtay in waqtiyadii hore aysan magaalada dhaxdeeda ku wadan Karin Gaari, maadaama amniga magaalada uu ahaa mid aad u xun, islamarkaasna hadii dumarka ay Gaari soo kaxeystaan inta laga dagsado laga qaadanayay.

“Waqtigii hore waxaa jirtay amaan xumo, Gabar kaligeed Babaur wadata hadii la arko waa lasoo haweeysanayay waana laga dhacayay” ayay sii raacisay Naciimo.

“Iyadoo amaanka soo fiicnaaday, ayaa hadana markaan damco inaan Gaarigeyga kaxeysto oo aan magaalka aado, ayaa waxaan sameeyaa inaan shirka hore soo saarto Wiil yar oo 13 jir ah, si aan leey soo haweysan” ayay hadalkeeda sii daba dhigtay.

Naciimo, ayaa sidoo kale sheegtay in xitaa hadii uu amaankii soo hagaagay oo aanlaga baqeynin dhicitaan, hadana ay magaalada kajirto in hadii Haweeneey Gaari wado ay bulshada arkan ay fowdeeyaan, iyagoo aaminsan ineey Ceeb tahay amaba Ragga kaliya loo baneeyay ineey Gaari kaxeeyaan.

“Hada Baabuurkeyga si xuriyad ah ayaan magaalada ugu dhex wataa, laakiin meelaha qaar gaar ahaan markaad mareyso wadooyinka ay isticmaalaan Baabuurta shacabka, waxaa dhacda in Ragga wada Baabuurta BL-ka ay baabuurka kugu soo dhaweeyaan iyagoo ku foowdeeynaya, amaba is dhahaya qal qal gali” .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here