Dugsiga Dhame Yaasiin Cartan oo maanta lagu wareejiyey dowlada KMG Soomaaliya

Dugsigii Dhame Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeenleey ayaa maanta laguwareejiyey gudi ay dowlada u xilsaartay soo celinta guryihi hore ee dowlada iyo kuwa ka dhaxeeya mujtamaca.

Waa talaabadi labaad oo ay dowlada ku kasbaneyso xuromo muhiim ah oo ay horay u heysteen dad gaar ah oo xoog ku daganaa, xilli shalay ay la wareegtay Guriga Hooyooyinka iyo dhismiha Jaamcadi hore ee Umada.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyey munaasabadi wareejinta Iskuulka ayaa sheegay in ay tahay talaabo muhiim ah oo horay loo qaaday wuxuuna ku baraarujiyey dadka in aysan sii daganaan dhul aysan dhaxal u laheyn balse ka dhaxeeyo dhamaan umada.

“Dadka guryaha ka baxa ayaan ka kari la,nahay si aan uga faa’ideysano mashaariicda ay noogu deeqeen walaalaheen, qaarkood waxay ku leeyihiin anaga guryahan ilmihi aan ku dhalnay ayaa 20-jirsatay oo guursaday, waxa ILAAHEEY ka cabsada oo xaaraan haku korinina ubadkiina, ogaada kan aad wax aad shaqeyseen oo xalaasha ah aad ku koriseen ayaa idin anfacaya,” ayuu yiri madaxweynaha oo ugu baaqay dadka kala in ay ka baxaan guryaha aysan laheyn.

Shalay ayaa dowlada KMG waxay la wareegtay laba xarumood, maanta hal xarun oo muhiim ah, hase yeeshee waxa wali u dhiman boqolaal guri oo ay heystaan dad xoog ku qabsaday burburki hore ee dowlada.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.