Dubai:94 qof ku eedeysan Isku day afganbi oo maanta maxkamad lasoo taagayo

94 qof, oo u dhashay wadanka Imaaraadka ayaa maanta kasoo hor muuqanaya maxkamada sare ee Abu Dubai, waxaana lagu eedeeyay ineey isku dayeen ineey afganbiyaan doowlada Imaaraadka.

Dadkaan maanta maxkamada lasoo taagayo ayaa isugu jira, garsoorayaal, abuukaatayaal, madxada ardayda jaamacadaha, dhamaantoodna waxay haystaan dhalashada jinsiyada dalka Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay ineey aas aaseen koox sir ah, xiriirna laleh ururka Ikhwaanu muslimiin, laakiin kooxaha udooda xuquuqul insaanka ayaa doowolada imaaraadka ku edeeyay in ay dadkaan meel qarsoodi ah ku xirtay una diiday ineey la kulmaan abuukaatayaashooda.

Wadanka Imaaraadka waxaa mamnuuc ka ah in la aas aaso asxaab siyaasadeed, sidoo kale waxaa mamnuuc ka ah in la qabto isku soo baxyada.

Doowladaha dariska la ah Imaaraadka, sida Yeman, Baxreyn, Kuweyt, iyo Jordan, ayaa waxaa ka dhacay dibad baxyo lagu dalbanayo dimoqraadiyad, kuwaasoo la jaanqaaday kacdoonadii kadhacay wadamada Masar iyo Tunisia, kuwaasoo ay ka dhaceen kacdoonada Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here