Dubai: 2 Soomaali ah oo miin 5 sano lagu xukumay, ogaaw sababta

640x392_53582_104886Maxkamad ku taala dalka Imaaraadka Carabta ayaa laba nin oo Somali ah ku xukuntay min shan sano oo xabsi ah kadib markii la ogaaday inay doonayeen inay ku biiraan ururka Daacish.

Maxkamada ayaa sheegtay labadan nin inay faafinayeen arimaha ku aadan Daacish, sidoo kalena ay lahaayeen websiteyo lagu faafinaayo fekradaha Daacish.

Labaad nin ayaa magacyadooda lagu sheegay Cali Maxamud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamud Cali kuwaasoo u shaqeynayay shirkad Batrool.

Labada nin ee Somalida ah ayaa gudbiyay akhbaaraad been abuur ah oo ku saabsan arrimaha siyaasada dibedda ee dalka iskutagga Imaaraadka Carabta, sidana waxaa qoray wargeyska Khaleej Times ee ka soo baxa magaalada Sharjah ee dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

Maxkamada ayaa amartay in la xiro Website-yada iyo Baraha arrimaha bulshada oo ay abuureen labada nin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here