Drs.Maryan Qaasim oo si weyn loogu soo dhaweeyay Stockholm Sawiro

Waxay ahayd xaflad soo dhaweyn ah, aadna loo soo agaasimay, taasoo lagu soo dhaweeynayay wasiirada wasaarada horumarinta iyo adeega bulshada, waxaana soo qabanqaabiyay dhalinyarada Stockholm degan.

Waxaa loo soo dhaweeyay qaab aad u sareeya oo aan weli qof loo soo dhaweyn, weliba Protocol aad u sareeya, waxaana wasiirada soo galbiyay gabdho xiran dharka hidaha iyo dhaqanka ee ay Soomaalida caanka ku tahay.

Sidoo kale waxaa goobta xaflada ka dhacaysay lagu soo bandhigay, Riwaayad ka tarjumeysa tahriibka iyo dhibaatooyinka qurbaha, iyo sidoo kale iftiinka iyo rajada wanaagsan ee dalka kasoo bidhaameysa.

Waxaa sidoo kale goobta laga qaaday Gabay lagu raali galinayay dumarka, kaasoo aad usoo jiitay dadkii kasoo qayb galay xaflada lagu soo dhaweeynayay wasiirada wasaarada horumarinta iyo adeega bulshada.

Waxaa kale Oo meesha ka hadlay macalimiin iyo dhaqaatiir degen Sweden kuwaasoo talooyin siiyey wasiirada una sheegay inay dalka ku laabanayaan lana shaqeyn doonan.

Wasiirada Oo meesha ka hadashay waxay soo ban dhigtay barnaamijkeeda ah In 1 Milyan Oo arday school la geeyo 3 sano ee soo socota iyo in la talaaalo 1 Milyan Oo caruur ah.

Ugu dambeyntii Sheikh Bashiir Aamaan Oo soo gaba gabeynayey kulanka ayaa balan qaaday in la sameyn doono account gooni ah Oo lacag loogu shubo barnaamijka wasiirada, Sidoo kale wuxuu sheegay in la sameyn doono system ay Mari doonaan dadka doonaya inay soomaaliya aadaan Oo ay soo caawiyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here