Drogba Oo Neefta Ku Soo Celiyey Chelsea Kadib Markii 1-0 Ay Uga Badiyeen Kooxda Stoke iyo Liverpool oo laga badiyey.

Kulan ka mid ah ciyaariha horyaalka Premier League ayaa maanta waxaa ay kooxda Chelsea ugaga badiyeen naadiga Stoke 1-0 iyadoo kooxda Chelsea kulankii ugu dambeeyey ay guuldaro kala kulmeen.

Ciyaartan oo uu soo saftay John Terry oo dhaawac ugaga maqnaa ciyaaraha waxaana kooxda Chelsea ay ka faa’ideysatay kadib markii kaarka cas loo taagay Ricardo Fuller kadib markii uu qalad ka galay Branislav Ivanovic.

Weeraryahanka kooxda Chelsea Drogba ayaa waxa uu u dhaliyey kooxdiisa goolkii guusha daqiiqadii 68aad.

Guushan ay gaareen kooxda Chelsea ay noqonaysaa tii ugu horeysey ee uu kooxdu leylinayo kaaliyihii tababarihii hore ee toddobaadkii hore la ceyriyey.

Kulamadii kale ee maanta la ciyaaray ayaa kooxda Sunderland waxa ay 1-0 uga badisey kooxda Liverpool waxaana goolka guusha u dhaliyey kooxda Sunderland laacibkooda Nicklas Bendtner daqiiqadii 56aad, isagoo hore Bendtner goolk u dhaliyey kulankii ugu dambeeyey ee ay kooxda Sunderland ciyaarto. Waxana ay kooxda Sunderland haatan soo fariisatay kaalinta siddeedaad ee kala horeynta kooxaha naadiga Liverpoolna ay kulanka soo gelisey waqti dambe Steven Gerrard iyo Andy Carrol, waxayna guuldaradan u ahayd kooxda Liverpool tii afaraad shantii kulan ee ugu dambeysey ee ay horyaalka u safteen.

Kulamadii kale ayaa Bolton waxa ay uga badisey 2-1 kooxda QPR halka ay Aston Villa ay 1-0 ugu awood sheegatay Fulham kooxda Blackburn ayaa 2-0 ugaga badisey kooxda Wolverhampton.