Drogba oo isbitaal ka dhisayo dalkiisa Ivory Caost + Sawiro

Weeraryahanka kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa go,aansaday inuu ka dhiso dalkiisa hooyo isbitaal si uu qeyb uga naqdo dib u dhisak dalka Ivoary Coast oo ay qaribeen dagaalo sokeeye.

Xidiga kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa qaatay mas,uuliyada dib u dhiska dalka, waxaana haatan mashruucaan bilaabeya Urur uu isaga leeyahay oo lagu magacaabo (The Didier Drogba Foundation).

Wareysi uu siiyey wargeyska kasoo baxo dalka Ingiriiska ee The Sun ayuu Drogba ku sheegay in uu mudo badan ku taamayey sidi uu dalkiisa uga dhisi lahaa isbitaal.

“Hamigeyga ugu weyn ayaa ah isbitaalka, waayo haatan dalkeena wuu ka dhamaaday dagaalki sokeeye, dhaqaatiir wanaagsan ayaa ka howlgali doonto, waxaana ku kaceysa dhimsaha isbitaalkan lacag dhan £3million laakin dowlada ayaan naga caawin doonta,” ayuu yiri.

Drogba ayaa sheegay in dadka dagan halka laga dhisi doono isbitaalka looga baahanyahay in ay dhowraan, isaga oo intaasi raaciyey in aysan wax dhib ah laheyn dhisida isbitaal balse ay dhib leedahay sidi loo dhowri lahaa.


Ururka The Didier Drogba Foundation, ayaa la aas aasay mudo iminka laga joogo shan sanadood, waxaana xaruntiisu ay ku taalaa magaalada caasimada ah ee Abidjan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.