DRC: “Hooyooyinka ma daraymeyaan Farxad” Warbixin

Warbixinta sannad laha ee hey’adda Save the Children ayaa lagu sheegay in dalka DRC uu noqday dalka ugu horeeya ee dhibaatooyinka ka soo gaara hooyooyinka.

Waxaa kaloo soo raaca marka laga hadlaayo Africa dalka Niger, halkaasoo ah meelaha dhibaatada ugu wayn ay ka soo gaaran hooyinka.

Warbixinta ay soo saartay hey’adda fadhigeedu uu yahay London, ayaa lagu sheegay in markii ugu horreysay ay tahay 14sanno kadib waddamadan ku yaalla saxaraha Africa.

Dalka Finland ugu horreeya waddamada ugu hormarsan ee xanaaneeya hooyinka 176-waddan ee laga sameeyay warbixintan

Warbixinta Save the Children ayaa lagu qiimeeyay dhowr siyaabood tusaale ahaan, in hooyada ay heli karto caafimaad, waxbarasho iyo maskax ahaan laga dhiso, iyo xittaa iyada iyo carruurteeda in ay helaan xanaano.

Sida lagu sheegay warbixinta dalka DRC 30-hooyo hal ayaa ayaa hesha xanaano ku filan, laakin dalka Finland  12,200 waxaa laga yaabaa in mid uu khatar soo wajaho.

Waddamada warbixinta ay ammaantay waxaa ugu horreeya Finland, Sweden, Norway, Iceland iyo  Netherlands, Maraykanka warbixintan wuxuu ka galay kaalinta 30-aad oo wuxuu ka hoos maray waddamada Slovenia iyo Lithuania

Dhinaca kale warbixinta Save the Children, waxaa waddamada ugu liita adduunka ee marka laga hadlaayo xaaneenta hooyada waxaa ugu horeeya waddanka DRC, waxaa kaloo ku jira liiska Somalia, Sierra Leone, Mali iyo Niger.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.co

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here