Dr Tedros:“Nabad kadhalata Soomaaliya waa nabad ka dhalatay Etiopia”

Dalka Itoobiya, waxaa laga joogaa hadda dhawr bilood markii uu xafiiska la wareegay Raiisul Wasaaraha cusub Hailemariam, kaddib geeridii Raiisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi bishii August 2012.

Wasiirkii hore ee caafimaadka, Dr Tedros Adhanom ayaa isna bishii November waxa uu qaatay jagadiisa cusub ee wasiirka arrimaha dibedda.

Waxa uu ka hadlay xaaladda nabadgelyada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu yiri “Itoobiya nabad ayay u baahan tahay. Nabad Soomaaliya ka dhacdana, Nabad ayay u tahay Itoobiya.”

Waxa uu yiri “Dhibaatada gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaan u heysanaa inay tahay mid gudaha Itoobiya ah iyo mid dibedda ah labadaba, waxaan isku dayaynaa inaan wax ka qabann.
Horeyba waxaan heshiis ula gaarnay jabhadda ugu weyn ururka ONLF in aan wada hadalno si dhibaatada xal nabadgelyo loogu dhameeyo.”

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya waxa uu sheegay in nabadda Soomaaliya waxa ay ka qabaneyso dhibaatada gudaha Itoobiya ay tahay wax yar, Laakiin arrinta muhiimadda koowaad leh waa siyaasadda gudaha oo ay tahay in arrintan lagu xaliyo.

Mar wax laga weydiiyay muslimiinta Itoobiya, waxa uu sheegay in aanu fileyn in la ilaaway, “dowladdeena iyo dastuurkeena diin kuma dhisna” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inay qaddariyaan kala duwanaanshaha dadka iyo diimaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here