Dr. Jawaari oo ka warbixiyey sida ay biri u dhici doonto doorashada

Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maalinta berito ah ay si wanaagsan u dhici doonto doorashada madaxweynaha.

Wuxuu sheegay doorashada berito in ay goob joog ka noqon doonaan wakiilo caalami ah si aysan u dhicin shaki iyo wixi la xiriira, isaga oo ka codsaday dhamaan xildhibaanada in ay usoo jeestaan badbaadinta dalkooda.

Shacabka ayuu ka codsaday in ay is xilqaamaan oo ay kala qeybqaataan ciidamada nabadgalyada, dhalinyarada ayuu si gaar ah ula hadlay oo uu sheegay in waxa laga shaqeynayo ay yihiin mustaqbalkooda.

Dr. Jawaari ayaa si xoog leh uga hadlay arimaha la xiriira kala iibsiga xildhibaanada iyo musuq maasuqa codadka ay helayaan xildhibaanada.

“Baarlamaanka looma ogola musuq maasuq iyo edabdarro, damiirka xildhibaanka waa inuu noqdaa mid sareya, waxa naloo dhiibay waa amaano, xildhibaanka iyo baarlamaanka waa amaano,” ayuu yiri.

Ugu danbeynti wuxuu soo hadal qaaday xildhibaanada baarlamaanka ee aanan wali la dhaarin kuwaas oo arintooda in dhawaalaba la isku heystay, waxaase uu sheegay in hadii gudiga loo saaray ay soo ansixiyaan si cadaalad ah berito la dhaarin doono ka hor doorashada.

” Gudi baan u saarnay o baarlamaanka ka tirsan isaga ayaa soo ogo,aaminaya waxa aan raadineyno waa cadaalad hal maalina kuma imaado, hadii ay soo go,aamiyaan beri ayaa baarlamaanka la keeni doonaa waana la dhaarinayaa,” ayuu yiri.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 42 sano kadib ay si xor ah uga dhacdo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here