Dr. Jamaal Barrow oo la kulmay Mas’uul ka tirsan hey’adda ACCORD

Dr. Jamaal Barrow oo la kulmay Mas’uul ka tirsan hey’adda ACCORD
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr.Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kwezi Mngqibisa oo ah Hormuudka hey’adda ACCORD u qaabilsan Soomaaliya , waxa ayna ka wada-hadleen arrimo dan u ah dalka ,dadka iyo qaranka.

Dr. Jamaal Barrow ayaa kala hadlay Mas’uulka ka socda hey’adda ACCORD ee ka dhisan wadanka South Africa inay gacan ka geysato sidii loo sameyn lahaa siyaasad ku wajahan qurba-joogta , loogana shaqeyn lahaa isku xirka dadka gudaha iyo kuwa dibadda .

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ayaa ka codsaday hey’adda ACCORD inay ka caawiso Wasaaradda diyaarinta qorshe istiraatiijiyadeed oo muddo 4 sano ah ay ku howlgasho iyo isku xirka hey’adaha maaliyadeed ee labada dal si gaar ah bankiyada dhexe ee Soomaaliya iyo South Africa .

Kulankan oo ku dhammaaday guul iyo is afgarad ayaa waxaa uu qeyb yahay dadaalka wax ku oolka ah ee Wasiirada Wasaaradda ay ku horumarinayaan shaqada , shaqaalaha iyo siyaasadda dibadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com 

1 COMMENT

  1. waxaan aad ugu faraxsanahay labada mas uul ee sla fadhida midna ka socdo Somalia kan kalena ha’ad caalimiya waxeey daawo u tahay ummad badan ee Somali ah ee tirsanaayay xaq daro laakin waxaa cad Dowladaan ay rabto wax yaabo badan in laga gudbo waxaan leehay halyeeyga Dalxa dadka soo badi wax badan aa kaa dhiman ayaantana ma maqlin shan ka roon Somali ha noolaato

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here