Dr. C/qadim Salad oo soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Somalia

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/qasim Salaad Xasan ayaa soo dhaweeyey habki ay u dhacday doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dr. C/qasim ayaa wuxuu amaanay baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku siiyey madaxweynaha cusub, sidoo kalana wuxuu u mahadceliyey madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida sharafta leh oo uu xilka u wareejiyey.

“Doorashada Xamar si wanaagsan ayey u dhacday horumar ayaan u arkaa iyo horukac iyo guul usoo hoyatay umada Soomaaliyeed, Shariif Sheekh Axmed wuu ku mahadsanyahay inuu si sharaf leh ku wareejiyo marki hore isaga dagaal kuma imaan ee doorashuu ku yimid,”

Wuxuu umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqay in ay u duceeyaan madaxweynaha cusub isla markaana ay ku garab siiyaan gudashada howshiisa.

“Maantoo kale ninka qabta xilka Soomaaliya hambalyo ma mudnee wuxuu mudanyahay in loo duceeyo, aniga wixi tala ah mar hore ayaan siiyey, waxaa la rabaa in shacabka uu garab galo waxaana dowladeena cusub laga filayaa arin aad u wanaagsan oo ah daacadnimo, Soomaali meel walba oo ay joogto ILAAH ha barido dhamaanteen meel aan joogno aan ALLE barino,”

C/qasirm Salad Xasan ayaa ahaa madaxweynihi hore horeeyey ee Dowlada KMG Soomaaliya, waxa uu dalka mada ka noqday sanadki 2000, waxaana dowladiisa lagu tilmaamay hooyadi dhashay Dowlada cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu hada ku noolyahay magaalada Qahira ee caasimada dalka Masar, dhowr jeer ayey gurigiisa galeen ciidamada Dowlada xiligii Dowaladi madaxweyne C/laahi Yusuf taasi oo uu si aad ah uga carooday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here