Madaxweynihii Hore ee Somalia Dr C/qaasim Salaad Xassan ayaa Eedeeymo kulul u jeediyay Wasiiradda Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Cusub Somalia
Madaxweynihii hore ee Somalia Dr C/qaasim Salaad ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ay ku qaldantay inay Wasiir u magacaawdo Shaqsi aan sal iyo baar ku lahayn Wadaniyadda looga baahna Xukuumadda
C/qaasim waxa uu sheegay Fowzia Yuusuf Xaaji aadan inay u olaleyneysay in Somalia la kala jaro islamarkaana Somaliland ay gooni isu taag noqoto hayeeshe C/qaasi waxa uu Ciladaasi dusha u saaray Madaxweynaha iyo Raisul wasaarahe Shirdoon oo aan iyaguba kala garaneynin waxa loogu yeero wadaniyadda
Ugu dambeyntii C/qaasim ayaa arintaasi ku tilmaamay mid lagu doonaayo in lagu barakiciyo hanaanka Somalia islamarkaana Somaliland ay fursad buuxda u noqoto.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com.