Dr. Cabdiweli: Rajadeyda qabashada hoggaanka dalka waa 100%

Musharraxa u taagan xilka madaxtinnimada dalka Soomaaliya ahna mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uu ku guuleysanayo xilka madaxtinnimo dalka.

Dr. Gaas oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in muddadii ay jirtay xukuumaddiisa ay qabatay waxyaabo badan oo dalka horumar u ah, sidaas darteed aysan jirin cid maanta uga habboon qabashada hoggaanka dalka.

“Rajadeydu waa 100% in aan ku guuleysto xilka madaxtinnimada dalka Soomaaliya, mana u maleynayo inay jirto cid iga mudan” ayuu yiri Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Musharraxa ayaa intaas raaciyay in ummadda Soomaaliyeed ay ogyihiin wax qabadkii xukuumaddiisa halkii sano oo ay shaqeyneysay ayna maanta garan karaan cidda u qalanta inay dalka hoggaamiso.

Mar la weydiiyay Dr. Cabdiweli Maxamed Cali waxyaabaha uu qabanayo haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinnimada dalka.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu badan oo uu xoogga saari doono ay ka mid yihiin xorreynta inta ka dhiman dalka, dib u dhiska hay’adaha dastuurka, abuuridda ciidan baddela AMISOM, dib u dhiska kaabaha dhaqaallaha, shaqo abuurka dhallinyarada, internetka dowliga ah iyo waxyaabo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here