Dr. Cabdiwali Gas oo noqday murashaxi u danbeeyey ee isu soo taagay xilka madaxweynaha Somalia

Munaasbad haatan ka socoto hotel City Palaza ee magaalada Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay Ra’isulwasaaraha waqtigiisa sii dhamaanayo ee Soomaaliya inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha.

Dr. Cabdiwali Maxamed Cali ayaa hotelka City Plaza oo ah hotel cusub kuna yaala degmada C/casiis ku sameeyey munaasabad aad u heer sareysa oo ay kasoo qeybgaleen madax kala duwan iyo qeybaha bulshada.

Waxaa goobta munaasabada ay ka dhaceyso lagu xardhay halku dhigyo iyo sawiro ka turkumaya musharaxnimada Ra’isulwasaaraha, iydoo sidoo kalana ay heeso guubaabo ah ka qaadayaan kooxda fanaaniinta hobolada Waabari.

Wuxuu sheegay in uu la imaan doono kariteeriya ka duwan tan hada uu dowlada KMG ah ku wado, isaga oo sheegay in mudadi uu ahaa Ra’isulwasaaraha uu dalka wax weyn ka qabtay.

Waxyaabaha uu ku faanay waxaa ka mid ah wax ka qabashadi abaarihi dalka ku dhiftay sanadki hore, la dagaalanka Al Shabab iyo xiriirka arrimaha dibada.

Si kastaba ha ahaatee, Dr. Cabdi Wali ayaa waxaa lagu dhaliilaa inuu yahay nin qaboow oo go,aan qaadashadiisuna tahay mid aan xoog laheyn, balse ah nin daacad ah oo jecel dowladnimada.

Xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan dadka ugu cad cad waxaa ka mid ah, madaxweynaha xilka kasii dagaya Sharif Sheekh Axmed iyo gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Shariif Xasan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here