Dr Ayman Al Dawaahiri oo Farriin Usoo Diray Al Qaacidada Soomaaliya

Hoggaamiyaha guud ee Al qaacida Dr Ayman Al Dawaahiri ayaa soo diray farriin maqal iyo muuqaal ah oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Fariinta uu soo diray Hoggaamiyaha Al qaacida Dr. Ayman Al Dawaahiri  ayaa waxaa diiradda lagu saaray sii adkaynta dagaalka ay Al qaacidda ka waddo Soomaaliya.

Fariinta oo magac loga dhigay “Libaaxyada Soomaaliyeedow la dagaallama Caruurta Abii Riqaal”, ayaa waxa uu Dr. Ayman Al Dawaahiri kula dardaarmay Al qaacida Soomaaliya.

Fariinta ayaa soconayso muddo 14-daqiiqo ah, waxaana lagu boorinaayaa sii socoshada dagaalada ka socda Soomaaliya.
Waa farriintii labaad ee uu soo diro Hoggaamiyaha Al qaacida kadib markii ay dhowaan midoobeen ururka Al qaacida iyo Al shabaab.

Al shabaab oo muddo sanado ah ka dagaalamaayey gudaha Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah ugu biireen Al qaacida oo ah urur uu adduunweynahu u aqoonsan yahay mid argagixiso ah.