“Dowladdu barnaamij bey ka diyaarisay dhaqan gelinta Federaalka” War-saxaafadeed”

(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin karo in lagu raadiyo. Madaxweyanaha ayaa yiri “ Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxey diyaar u tahay in ay si wadahadal iyo nabad ah ku raadiso sidii midnimada shacabka Soomaaliyeed loo heli lahaa, xitaa dowladdu waxey diyaar u tahay in ay u tagto wadahadalka goob walba.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey hirgelinta nidaamka Federaalka, waxuuna yiri  “ La iskuma khilaafsana Federaalka oo dastuurka baa qeexaya, dowladduna diyaar bey u tahay hirgelinta federaalka oo barnaamijo cad cad bey dowladdu dejisay. Dowladdu diyaar bey u tahay inay dhageysato fikirka shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan sidii loo dhaqan gelin lahaa nidaamka Federaalka.”

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha Jubbooyinka iyo shirka Kismaayo waxa uuna tilmaamay in Dowladdu Shantii bilood ee u danbeysey ay ku dadaaleysay sidii shirkaas Kismaayo u noqon lahaa mid la waafajiyo dastuurka, kana digay kala qeybsanaan iyo collaado hor leh oo shacabka Soomaaliyeed loo horseedo.

Sidoo kale Madaxweynaha waxuu yiri “Dowladdu waxey aaminsantahay in ay weli fursad jirto looga hortagi karo collaado hor leh oo ummadda loo horseedo, Dowladdu waxey baaq u direysaa shacabka deegaanka uguna baaqeysaa in Dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul goboleedyo u adeega danaha shacabka deegaanka iyadoo la raacayo dastuurka oo ay dowladdu hoggaanka leedahay bacdamaa ay heysato mandate ay dalka iyo shacabka ugu adeegto, Nidaam kasta oo dhismaya waa inuu noqdaa mid shacabka deegaanka ay u wada dhan yihiin lagana soo bilaabo hoos. “Degmooyinka Jubbooyinka qaarkood ayaa weli ku jira gacanta kooxaha Al-Shabaab una baahan dadka deegaankaas in laga dulqaado oo ay helaan amni iyo kala danbeyn si ay uga qeyb qaataan dhismaha dalka iyo ka talinta aayaha mustaqbalkooda.”

Mudane Xasan Shiiq Maxamuud Madaxweynaha dalka oo hadalkiisa siiwatay ayaa codsaday in talada dhulka la dhigo oo laga fogaado wax kasta oo keeni karo collaad iyo dagaal shacabka dhexdooda ah.

Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray Iskuul cusub oo ay hay’adda IHH ee Turkiga iyo hay’adda ZamZam wada hirgeliyeen kaas oo u noqonay hoy 400 agoon Soomaaliyeed ah isla markaana ay wax ku baran karaan 1500 arday Soomaaliyeed, ayaa u mahadceliyey dowladda Turkiga, hay’addaha IHH iyo Zamzam kana codsaday ganacsatada, qurbojoogta iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladda si shacabka loo gaarsiiyo adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada bulshada, Madaxweynahu waxuu yiri “ Carruurteenu waa mustaqbalka dalka waana inaan u wada istaagnaa oo aan ka wada shaqeynaa sidii waxbarasha ay u heli lahaayeen dhammaan carruurta Soomaaliyeed.”

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here