Dowladdaha Yemen iyo Soomaaliya oo heshiisyo gaaray

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa Marwo Saciido Xasan Cusmaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kheyraadka dalka, Xildhibaan Ridwaan Xirsi oo xubin ka ah baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Kabtanno maraakiib oo Soomaali ah ,kuna sugnaa muddo laba todobaad ah wadanka Yemen ayaa maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay .

Wafdigan oo Airport-ka caalamiga Aden Abdulle ee Muqdisho ay ku soo dhoweeyeen Wasiir kuxigeenada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Maxamed Barrow iyo Eng. Maxamed Aadan Axmed , diblomaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Shir jaraa’id oo uu Wasiiru dowlaha Wasaaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed Nuur Gacal ku qabtay Qeybta VIP-da ee Airport-ka ku sheegay in socdaalkooda ay ku tageen wadanka Yemen uu ku soo idlaaday guul .

Dr. Gacal ayaa waxa uu yiri “ waxa aan la kulanay Madaxweynaha Yemen, Wasiiro iyo Mas,uuliyiin kala duwan oo Yemaniyiin ah, waxaan ku guuleysanay dhammaan howlihii shaqo ee aan u joognay dalka Yemen oo ay ka mid yihiin soo celinta hantida qaranka ee dibadda sida maraakiibta , dhismaha qunsuliyadda, wax ka qabashada cabashooyinka qaxootiga Soomaaliyeed ,arrimaha tahriibka , la dagaalanka burcad badeeda , argagaxisada iyo dib u soo nooleynta heshiisyada iskaashi ee labada dal u dhaxeyn jiray oo ay ka mid yihiin waxbarashada,horumarinta dhaqanka iyo waxyaabo kale”.

Wafdigan ayaa mudadii ay joogeen wadanka Yemen , ayaa waxa ay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi , iyagoo ka codsaday Xukuumadda Sanca inay wax ka qabato baahida waxbarasho iyo midda nololeed ee qaxootigaasi Soomaaliyeed .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here