Dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa kala saxiixday iskaashi lagu xoojinaayo waxbarashadda labada dal.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa kala saxiixday iskaashi lagu xoojinaayo waxbarashadda labada dal.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa kala saxiixday iskaashi lagu xoojinaayo waxbarashadda labada dal.

Magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan waxaa heshiis ku kala saxiixday dowladdaha Sudan iyo Soomaaliya,

Heshiiskaas ayaa salka ku haya siddii Sudan ay Somaaliya ay uga caawin lahayd horumarinta waxbarashadda dalka Soomaaliya.

Wasiiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, Ducaale Aadan Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dowladda Sudan ay gacan ka geesan doonto dib u dhiska waxbarashadda dalka Soomaaliya oo noqotay mid jaantaa rogan wixii ka dambeeyay burburkii dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in isaga iyo wafdi kale oo ka tirsan xukuumadda ay u joogaan Sudan siddii nidaam iyo sharci loogu sameen lahaa  jaamacadaha ku yaalla dalka.

Wuxuu sheegay oo kale in mardhow ay dalka imaan doonaan khubaro gacan ka geesta jaangoynta waxbarashadda dalka Soomaaliya.

Wasiir  Ducaale ayaa carabka ku adkeeyay in dalka Sudan ay wax ka bartaan Soomaali badan siddaas darteedna ay u baahan yahihiin in khibrada ay u lee yihiin waxbarashadda ay ka faa’ideestaan.

Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla in ka badan 40 jaamacadood kuwaasoo qaar badan loo furtay qaab ganacsi.

Aragtidaada ka soo dhiibo heshiiska dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here