Dowladda Yemen oo ka taxadireysa qaxootiga Soomaalida

Yemen waxa ay walaac ka muujineysaa qoxootiga Soomaalida ah ee gaara dalkeeda, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Tan iyo bishii February 2012,markii hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, uu ku dhawaaqay in Al-Shabaab ay ku biirtay Al-Qaacida waxa soo baxayay dagaalyano ka stirsan Shabaab oo gaaray dalkaYemen, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dagaalada ka socda dalkaYemen.

Yemenwaxa ay ka mid tahay dalalka ay tagaan qoxootiga Soomaalida ee ka cararaya colaada ka taagan dalkooda, laakin wixii ka dambeeyay June 18-markii magaalada Cadan lagu dilay taliyihii ciidamada KoonfurtaYemenGeneral Salem Ali Qoton uu ku dhintay is-qarxin uu fuliyay qof is soo midaamiyay, waxana soo baxay in ruxaas uu ahaa qof ka soo jeeda dalka Soomaaliya.

Dhadhaqaaqa Ansar al-Shariica oo ah ka tirsan Al-Qaacida Jaxriirada carabeed ee dalkaYemenayaa horey loo sheegay in ku biireen dhalinyaro badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Mid ka mid la taliyaasha qunsiliyada Soomaaliya ee Cadan Axmed Xasan ayaa u sheegay wargeyska Al-Sabaax ee qoray warkan in uu jiro cabsi ballaaran oo la soo daristay Soomaalida ku nool dalkaYemen.

“Waxa aan maqalnay in qofka isku qarxiyay Genaral Salaliim la sheegay in uu ahaa Soomaali, laakin wali waxa aan wadaan baaritaan aan ku cadeeyneeno in uu ahaa Soomaali ama in kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.