Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Cadaado

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobalka Mudub ayaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo halkaas u tagay in ay wadahadal la yeeshaan Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shaley halkaas soo gaaray.

Inka badan 10 xubnood oo isugu jira xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, saraakiil iyo odayaal dhaqameed ayaa lagu soo warramayaa in gaareen magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb .

Wafdigan oo ka soo tagay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Cabduqaadir Cali Cumar oo horrey u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha dowladii KMG ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmd, Yuusuf Maxamed Siyaad “Indho-Cadde” oo ay horay uga wada tirsanaayeen Sheekh Xasan ururkii Xisbul-Islaam iyo Axmed Diiriye.

Wafdiga markii ay gaareen Cadaado waxa ay kulamo albaada u xiran la qaateen maamulka Ximin iyo Xeeb iyo Xasan Daahir Aweys , laakin wax faah-faahin ah lagama hayo.

Waxaa jira warar aan la xaqiijin karin oo tilmaamayo in Xasan Daahir Aweys loo soo  wareejin doono magaalada Muqdisho, si dowladda loogu soo gacan galiyo.

Si kastaba, Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa Arbacadii shaley tagay  magaaada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeeb kaddib markii uu si qarsoodi ah uga soo baxsaday magaalada Barraawe oo Al-Shabaab ay gacanta ku heyso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here