Dowladda Soomaaliya oo sheegtay hal milyan oo arday in wax la baraayo

Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda  Soomaaliya ayaa maanta shaacisay qorshe wax lagu barayo hal milyan oo arday oo Soomaali ah oo ku kala nool gobollada dalka.

Wasiirrada wasaarada horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed ayaa ka hadashay kulan magaalada Muqdisho ay kula qaadatay qeybaha bulshada oo looga hadlayay horumarinta waxbarashada.

Wasiirradda ayaa sidoo kale tilmaamtay in ay wasaaraddeedu waddo qorshe waxbarasho loogu fidinayo ardayda aan fursadaha u helin in ay iskuul aadaan.

Maryan Qaasim ayaa sheegtay in caruur gaaraysa afar milyan oo da’doodu ka hooseyso 18-sano aysan haysan waxbarshadii ay u baahnaayeen xiligan taasoo keentay bay tiri in duruufaha nololeed ee heysta qaarkood looga faa’iideystay inay ka qayb-qaataan dagaalladii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dalka.

“Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa arrintaas, kana damqaneysa waxay isku duba-ridday qorshe waxbarasho oo ballaaran kaasoo aan jecelnahay inay ka faa’iideystaan arday gaaraysa hal milyan oo uu kala qaybsan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxaana hirgelinta qorshahaas gacan naga siinaya qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay oo dhawaan aan kula soo kulmay Nairobi.” ayay tiri wasiiradda.

Waxay kaloo wasirradda sheegtay in gobollada dalka laga soo ururin doono ardayda, iyadoo tababar loo fidin doono kumannaan macallimiin ah oo ardaydaas wax bari doona.

Maryam Qaasim ayaa sheegtay in arrintan oo ay gacan ka geysanayaan qaar ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay looga gol leeyahay in lagu soo afjaro waxbarasho la’aanta heysata carruur badan oo Soomaaliyeed oo gaaray xilligaiskuulka.

Duruufaha adag ee xagga nolosha ah iyo raadadkii ay reebeen dagaallada sokeeye ayay wasiirku sheegtay in ay malaayiin carruur ah dhaxalsiiyeen waxbarasho la’aan.

Sida lagu soo bandhigay kulanka sahan ay kal hore sameeyeen hay’adda Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday in 22-kii sano ee burburku ka jiray Soomaaliya ay waxbarashada aasaasiga ah heleen oo kaliya 13% dhallaanka Soomaaliyeed, waxaana haddii uu hirgelo qorshahan lagu xoojinayo waxbarashada dalka ee ay waddo wasaaradda horumarinta iyo adeega bulshada uu noqon doonaa kii ugu weynaa burburka kaddib ee ay ka faa’iideystaan caruurta Soomaaliyeed ee aan haysan waxbarashada aasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here