Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo shir ku yeelanaya Turkiga

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Turkiga ay martigalin doonto wadahaddalo ay yeeshaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland labo toddobaad gudahood.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdulaahi Cumar oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda Hargeysa, ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay martigalineyso Somaliland iyo Somalia, si ay u sii amba qaadaan ayuu yiri wada-hadaladii u socday ee billowday sannadkii hore.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay in uu ka qaybgalo shirka ka dhacay Turkiga.

Wasiirka aayaa sidoo kale sheegay in shirkaas ay ka soo qaybgali doonto dowladda Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

Dr. Maxamed Cumar ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid daba socda shirkii kal horre dhacay ee looga hadlaayay in ay ka hadlaan labada dhinac masiirkooda.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shirkale oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya uu bisha May ee sannadkan uu ka dhacayo magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, shirkaas Somaliland waa ay qaadacday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here