Dowladda oo sheegtay in wax ka qabaneyso hoos u dhaca dolarka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto hoos u dhaca ku yimid lacagta doolarka, taasoo aan wax isbadal ah ku sameen maciishada.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Maxamuud Suleymaan oo la hadlaayay VOA ayaa sheegay in dowladda ay wax ka qaban doonto hoos u dhaca maalmahan ku yimid dollarka.

Wuxuu sheegay in wax yaabaha sababta u ah dollarka in uu hoos u dhaco ay ka mid yihiin in dad badan oo dalka dib ugu soo laabtay, iyo hey’addihii gargaarka ee xarumahooda ku yiilay magaalada Nairobi oo hadda u soo guuray magaalada Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda shaqaalaheeda ay mushaar ahaan ku siiso lacagta doollarka, arrimahaas oo dhan ay sabab u yihiin in dollarka uu hoos u dhaco.

Wasiirka mar la weydiyay lacag dowladii horre ee ku-meel-gaarka ee leegu daabacaayay magaalada Khartoum halkii ay ku dambeesay, wuxuu sheegay in dowladda lacag keen san doonto laakin ma sheegin in ay lacagtaas tahay iyo in kale.

Wasiirka ayaa sheegay in cid aan dowladda ahayn aysan lacag soo daabacan karin xittaa maamulada dalka sida Somaliland iyo Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, hoos u dhac ballaaran ayaa waxaa uu ku yimid lacagta dollarka, taasoo si wayn saameen ugu yeelatay dadka lacagta loo soo diro iyo kuwa danta yer.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here