Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab ee la dilay [Akhriso]

Mogadishu (Midnimo)-C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay hawlgal ka dhan ah Al Shabaab, in Laamaha Amniga ay ka sameeyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Waxaa uu sheegay in howlgalkaasi lagu beegsaday xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale xarunta Qaraxyadda Al-Shabaab sida uu sheegay Wasiir Yariisow.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in la dilay in ka badan 81 dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada iyo Guriga Jabhadda waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare culus oo soo gaaray Alshabaab oo isugu jira dhimasho 81” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa beeniyay in wax howlgal ah uu ka dhacay Magaalada Jilib.

Afhayeenka dhanka howlgallada Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda Maanta aysan howlgal ka fulin gobolada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here