Dowladda oo ku baaqday in la cafiyo raysal wasaarihii hore

Warbixin ay qortay Sabtida maanta ah wakaalada wararka AP ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsatay in la iska cafiyo ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Cali Samatar.

Warbixinta ayaa lagu sheegay dowladda cusub ee Soomaaliya warqad u qortay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka taasoo ay ku codsaneyso in la cafiyo  Samatar.

Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax oo warqadan ay ka soo baxday xafiikiisa ayaa lagu sheegay in la doonayo siddii xasaanada loogu soo celin lahaa Samatar oo loo heesto xasuuq ciidamadii Millatariga ka sameeyeen sannadkii 1980-kii illaa 1990kii taasoo ah in dad ku nool gobalada waqooyi oo hadda la baxay Somaliland diyaarad ay ku garaaceen halkaas.

Samatar xiligaas waxaa kaloo uu ahaa wasiirka gaashandhigga, waana taas in dacwadan oo soo jeedineysay muddo dheer maxkamad ay xukuntay.

Sannadkii hore, ayaa maxkamad ku taalla  Alexandria waxa ay amartay in bixiyo Samatar lacag gaareysa illaa  $21 million si loo siiyo dadkii ku wax-yeeloobay dhacdadaas.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa codsaday in loo soo celiyo xasaaniyadiisa Mr. Samatar iyadoona uu sii marsiiyay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Kiiska Samatar sannadkii 2004-tii ayaa lagu guul dareestay kaddib markii dhowr qof oo ay qaraabo ahaayeen dadkii ku wax yeeloobay howgalkii Millatariga ay sheegeen in loo baahan in maxkamad la soo taago Mr. Samatar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here