Dowladda oo ka hadashay xaalad biyo la’aan oo ka taagan dalka

Biyo la'aan ka taagan qaybo ka mid dalka
Biyo la’aan ka taagan qaybo ka mid dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay xaaladda biyo la’aanta ee laga soo sheegayo qaybo ka mid ah gobalada dalka.

Wasiirka macdanta iyo biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jaamac Axmed Maxamed (Oday) oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa arrin aan la dhayalsan karin ku tilmaamay culayska xagga biyaha ee ka jira  gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya wal wal ay ku hayso dhibaatada ay ku suganyihiin caruurta  iyo haweenka uurka leh.

Jaamac Oday waxa uu  saxaafadda  u sheegay maanta oo Axad ah , in uu soo  gaaray warar la xiriira in dadka ay u dhimanayaan  haraad dartii.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli maanta deegaan hoos yimaada degmada Balanballe ay harraad ugu geeriyoodeen saddex carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here