Dowladda oo digniin u jeedisay ajaaniibta sharci darda ku jooga dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay dabagal ku sameen doonto dadka ajaaniibta ah ee ka sida sharci darada u jooga dalka.

Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha
Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha

Taliyaha laanta socdaalka dowladda Soomaaliya, Jeranaal Cabdulaahi Gaafow oo maanta saxaafadda kula hadlaayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay labadii sanno ee la soo dhaafay in ay dalka soo galeen dad badan oo ajaaniib ah kuwaasoo qaab sharci daro ah uga shaqeeya dalka.

Wuxuu sheegay inta badan shaqalahaas in ay joogaan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xarumaha QM iyo AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in hey’adda iyo shirkado ay si sharci daro ku shaqaalaystaan dad ajaaniib ah oo dowladdu waxba kala socon, waxaana uu u jeediyay digniin kama dambees ah,oo ku aadan muddo 12-cisho ah ay isku diiwangaliyaan, haddii kale ciddii amarkaas u hoggaansami waydo in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Hadalka Taliyaha laanta socdaalka dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka ay ku soo qulqulayaan shirkado iyo hey’addo si sharci daro ah dalka uga shaqeeya kuwaasoo aan u diiwangashneen dowladda Soomaaliya.

Shaqaalaha ugu badan ee ajaanibta ah ayaa ka shaqeeya xarumaha AMISOM, Qaramada Midoobey iyo hoteelada.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com , midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here