Dowladda oo dhexdhexaadisay Somaliland iyo Puntland

Dowladda oo dhexdhexaadisay Somaliland iyo Puntland
Dowladda oo dhexdhexaadisay Somaliland iyo Puntland

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dowladdu qeyb ka qaadatay xallinta colaado ka aloosnaa degmada Taleex ee gobolka Sool.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wadahadallo la xiriira arrintaas ay dowladda la gashay maamullada Somaliland iyo Puntland, si loo yareeyo khatar shacabka ka soo gaarta dagaallo halkaas ka dhaca.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ku guulaysatay in wadahadalladii ay la gashay labada dhinac ay suurageliyaan in ciidamadii maamulka Somaliland ee ku sugnaa Taleex ay isaga baxaan, isla markaana hakad la geliyo ciidamo ka socday Puntland oo la qorsheynayay in ay halkaas gaaraan.

Wuxuu xusay in ay weli sii socdaan xiriirrada ay dowladdu la samaynayso labada maamul, si loo baajiyo colaad dhex marta.

Xigasho : BRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here