Dowladda iyo Dalalka G7 oo maanta Muqdisho heshiis ku kala saxiixday

Heshiiska ‘The New Deal’ oo maanta Muqdisho lagu saxiixay
Heshiiska ‘The New Deal’ oo maanta Muqdisho lagu saxiixay

Dowladda Soomaaliya iyo waddamada G7- ee dhaqaalaha dunidda ku horeeya ayaa maanta heshiis dhinacyo badan taabanaya ku kala saxiixday magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo loogu macdaray ” “The New Deal Process” wuxuu salka ku hayaa siddii  dowladda Soomaaliya looga horrumarin lahaa arrimaha siyaasadda iyo ammaanka .

Xubno ka socday dalalka G7 ayaa ka qeyb-galay xafladda heshiiska lagu saxiixayay oo ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane, halkaasoo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda QM, Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiixay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Saleebaan.

Sida looga dhawaaqay goobta, heshiiskan cusub ayaa waxaa dajiyay dalalka G7, waxaana loogu talo galay in lagu caawiyo 19 dal oo ay colaado ragaadiyeen.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay in heshiiska [The New Deal Process] uu yahay mid si wadajir ah u-midaynaya dawladda Soomaaliya, ururrada bulshada iyo deeq-bixiyeyaasha si loo daboolo baahida gargaar ee Soomaaliya.

Ra’iiisalaa ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo in kor loogu qaado waxtarka deeqaha caalamku uu siiyo dalalka kasoo kabanaya colaadaha.

Heshiiska cusub ee la yiraahdo “The New Deal” ayaa lagu sheegay in lagu taageeri doono dowladda Soomaaliya.

Kadhiibo Fikirkaaga Qoraalkan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here