Dowladda Ingiriiska oo soo dhaweysay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

Xoghayaha Dowladda Britian u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simonds
Xoghayaha Dowladda Britian u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simonds

Dowladda Britain ayaa soo soo dhaweysay dagaalka lagula jirro Al-Shabaab, iyadoona sheegtay in wax kasta oo taageera ah ay diyaar u la tahay AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Britian u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simonds, ayaa warbaahinta u sheegay in Britain ay ku faraxsan tahay gulufka dagaal ee xilligaan ku socoda kooxda Al Shabaab.

Mr. Simonds, ayaa xusay in ay taageersan yihiin tallaabada xilligaan lagu doonaayo, in Ururka Al Shabaab looga sifeeyo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Waxa uu tibaaxay in duulaanada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ay u muuqanayaan kuwo si weyn looga gacan sareeyo Shabaabka, loogana qabsaday buu yiri dhul ay ka talinayeen.

Ugu dambeyn sarkaalkan ayaa xusay ,in Shabaabku ay yihiin koox argagaxiso, isla-markaana aan khatar ku yihiin Somaliya oo kaliya, balse ay halis ku yihiin Wadamada Afrikada Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here