Wasiirka arrimaha dibadda isku tagga imaaraadka carabta Shaikh Cabdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ka sheegay shirka looga hadlaayo burcad-badeeda oo maalintii labaad ka socda Dubaiin ay dowladiisa ay bixineyso 1- million oo dollarka mareekanka taas oo wax lagu caawinaayo in la dhiso ciidamadda badda Soomaaliya iyo kuwa ilaaliya xeebaha Soomaaliya
Dowlada imaaraadka carabta ayaa shirkii labaad oo looga hadlaayo burcad-badeeda Soomaalida ku qabtay dalkeeda kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 50-dowladood iyo hey’addo caalami ah, kuwaas oo ka arrinsanaya sida xal loogu heli karo kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.
Waxas shirka maalintii koobaad lagu soo bandhigay lacagta ay heeleen burcad-badeeda sanadkii hore iyo maraakiibta ay qabsadeen waxana goosbta shirka laga muujiyay in burcad-badeeda Soomaalida ay heleen lacag aad u badan.
Dowladda imaaraadka carabta oo shirka martigalisay ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay ay ku deeqday kaalmada la soonaayo Soomaaliya lacag ka badan 25-milyan oo dollarka Mareekanka, taas oo diirada lagu saaray arrimaha bini’aadinimada gaar ahaan caafimaadka
Sidoo kale shir waxa lagu soo bandhigay in aduun lacag oo gaaraya ilaa 160-milyan oo dollarka mareekanka ay u heleen madaxfurasho kooxaha burcad-badeeda Soomaalida, taas oo ka badan labadii sano ee ka horreeyay 2010 iyo 2009.
Tan iyo 2007-dii ayaa la sheegay 62-badmareen ay ku dhinteen gacanta burcad-badeeda, kuwaas oo u dhintay iyagoo la soo badbaadinaayo ama ay gaajo u dhinteen, sida laga sheegay shirka ka socdaDubai.
carabta waa duliyiin na baabiyay hadaan nahay somalida.