Dowladda Imaaraadka Carabta oo Qalab ugu Deeqday Ciidamada Nabad sugidda Qaranka(Sawirro)

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa qalab fara badan oo kala gaddisan maanta ugu deeqday Ciidammada nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaliyeed, iyadoo deeqdaasi ay isugu jirta; dareyska ciidamada iyo gaadiid, waxaana safiirka dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya uu ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida Qaranka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac.

Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta Danjire Maxamed Al-Cuthmaan oo ka hadlay xafladdii guddoonsiinta deeqda ayaa yiri: “ Deeqdani waxay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda Imaaraadka ugu jirto inay qeyb weyn ka qadato nabad iyo xasilooni ku soo celinta dalka aan walaalaha nahay ee Soomaaliyeed, iyadoo taasna ay nagu hageyso xiriirka walaalnimo iyo taariikheed ee ay wadaagaan labada dowladood iyo labada shacab”

“Waan sii wadi doonnaa taageerada aan la garab taagannahay Soomaaliya, taageeradaas oo dhinacyo kala duan lahaan doonta ha ahaato mid amni, mid millateri, mid dhaqaale iyo mid horumarneed intaba” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac  oo ka hadlay xafladda guddoonsiinta ayaa si weyn uga mahad celiyay deeqdan isgaoo yiri “Deeqdan ay dowladda aan walaalaha nahay  Imaaraadka Carabta ugu deeday ciidanka Nabadsugidda Qaranka, waxay qeyb ka tahay taageerada ballaaran ee ay dowladda Imaaraadka la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu intaa raaciyay “Dowladda Imaaraadka ma ahan deeqdii ugu horeysay ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo ciidanka nabadsugidda, ee waxaa jira taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii la soo dhaafay sida Safiirkuba u sheegay , taas oo wax weyn ka tartay wax qabadaka ciidamada ammaanka iyo tayadooda”

Dowladda Imaaraadka ayaa ka wadda Caasimadda Muqdisho iyo gobollada dalka, mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha isbitaallo, xarumo ciidan, goobo waxbarasho, xarumo maamul iyo mashaariic bani’aadannimo oo kaalmo loogu fidinayo, barakacayaasha iyo dadka ku waxyeeloobay daaddadka iyo dabeylaha ku dhiftay meelo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

IMG_1743 IMG_1759 IMG_1762 IMG_1765 IMG_1770 IMG_1787 IMG_1797 IMG_1810 IMG_1819

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here