Shir looga hadlaayo arrimaha Garsoorka oo ka dhacaya Muqdisho

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay magaalada Muqdisho ku qabaneyso shirwayne wadatashi ah, oo dib loogu habeenayo garsoorka Soomaaliya, kaasoo dhici doona inta u dhexeysa 1-da April ilaa iyo 5-ta April ee sannadkan 2013-ka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirkan looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin caqabadaha hortaagan garsoorka iyo dib u dhiska iyo horrumarinta.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirka ay ka qeyb-gali doonaan sharci yaqaanno ka kala imaan doonta dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, wakiillo ka socda garsoorka, wasaaradda caddaaladda, baarlamaanka, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, maxkamadda ciidanka qalab sida, booliska, nabad-sugidda, ciidanka asluubta, ururka qareennada iyo sharci yaqaannada, jaamacadaha, culummo, hay’adaha xuquuqul insaanka, ururrada haweenka iyo khubarro caalami ah.

Dowladda ayaa rajo ka muujineysa in shirka ay ka soo bixi doonaan talooyin dhaxal-gal ah oo dib loogu habayn karo hay’adaha garsoorka iyo kuwa caddaaladda si loo gaaro caddaalad iyo kala dambeyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka dib u habaynta garsoorka ku dhawaaqay 11-kii February kaddib markii dhaliil loo jeediyay nidaamka garsoorka iyo caddaaladda Soomaaliya.

Mar uu wareysi siinayay telefishinka Al Jazeera, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in nidaamka garsoonka uu yahay mid daciif ah, isagoo sheegay in dhalleeceyn loo jeediya Soomaaliya aaney wax taraneyn, balse loo baahan yahay in laga caawiyo sidii loo adkeyn lahaa hay’adaha dowliga ah.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here