Dowladda Ethiopia oo ka Hadashay Geeridii Raysal Wasaarahii Dalkaasi

Kadib marki uu geeriyooday Meles Zenawe ayaa waxaa geeridiisa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay Dowladda Ethiopia waxayna xaqiijisay in uu ku geeriyooday Brussels ee dalka Belgium.

Afhayeenka Dowladda Ethiopia isla markaana ah wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Ethiopia Bereket Simon ayaa arrintaan faah faahin ka bixiyey xilli uu saxaafadda kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Bereket Simon ayaa waxa uu sheegay in Meles Zenawe uu u geeriyooday infection ama caabuq uu muddooyinkaan la xanuusanaayey, waxaana uu beeniyey in u mar hore ee geeriyooday oo la qarinaayey.

Bereket Simon waxa uu ka hadlay saamaynta geerida Zenawe ku yeelayso siyaasadda Ethiopia ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in asan wax isbedel ah la imaan doonin.

Waxa uu xusay in siyaasadda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia ay tahay mid ku salaysan wax wada qabsi iyo deris wanaag ayna sii socon doonto.

Mar uu soo hadal qaaday Ciidamada ka joogaa Soomaaliya waxa uu sheegay in Ciidamadaasi Soomaaliya u galeen sidii ay u taageeri lahaayeen Dowladda Soomaaliya hadana ay sii joogi doonaan.

Afhayeenka Dowladda Ethiopia Bereket Simon waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Ethiopia ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku mashquulsanayd raadinta nabadda Soomaaliya, taasina aysan ahayn mid meesha ka baxaysa kadib geerida Meles Zenawe.

Ciidamada Ethiopia oo ilaa sanadkii 2006-dii ilaa 2008-dii Soomaaliya kula dagaalamay ururro islaami ah waxay dalka ka baxeen horraantii 2009-kii, wallow ay dib ugu soo laabteen bilowgii 2011-kii.

Ciidamada Ethiopia iminka waxay kusugan yihiin magaalooyinka kamid ah Soomaalida sida Baydhabo, Beledweyne Xudur iyo kuwa kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here