Dowladda Britain oo Cambaaraysay Qaraxyadii Muqdisho

Magaalada Muqdisho shalay galab waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah waxaana ku geeriyooday dad ku dhow 20-qof oo rayid ah.

Dowladda Biriten ayaa si kulul u canbaareysay weeraradii ismidaminta ahaa ee dhaliyay geerida ugu yaraan16 qof halka tiro intaasi kabadan ay ku dhawcmeen midkaasi oo ka dhacay Maqaaxi ku taala ka soo horjeedka Golaha Murtida iyo Madadaalada Soomaaliyeed ee Caasimada Soomaaliyeed Muqdisho.

Wasiiru Dawlaha Wasarada Arimaha Dibada Biriten ee arimaha Afrika mark Saymond ayaa warsaxafaded uu soo saaray ku sheegay in xukumada Biriten ay qaraxyadasii ay ku sii dhiira galinayso sii wadista taagerida ay la garab tagan tahay shacabka Somalia si loo dhiso Mustaqbalka Wadanka.

Saymond ayaa waxa uu carabaabay sida uu uga xun yahay weerarkaasi waxana tacsi u u soo diray shacabka Soomaaliya ugan tacsiyadeyay weerarkaasi argagexisada ah ee foosha xumaa ay ku baxeen dad rayid ah oo ay ku jiraan wariyayaal.

Dowladda Britain ayaa qayb ka noqotay dhinacyada cambaareeyey qaraxyadii shalay galab ka dhacay Muqdisho kuwaasi oo ay masuuliyadooda sheegteen Al shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here