Dowladaha Kenya iyo Koonfurt Sudan oo kala saxiixday heshiis ay xukuumada Jubba sii dhex marinayso shidaalkeeda dalka Kenya.

Labada dowladood ee Kenya iyo Koonfurta Sudan ayaa shalay ku kala sixiixday magaalada Jubba heshiis u oggolaanaya koonfurta Sudan in ay ka dhisato dhuuman shidaalka qaada gudaha dalka Kenya ayna ka dhoofiso shidaalka laga soo saaro dalkeeda.

Heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa R.wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga iyo madaxweynaha  South Sudan Mr Salva Kiir waxaana  saliida laga dhoofin doonaa dekeda magaalada Lamu ee dalkaKenya.

Heshiiskan ayaa yimid kadib markii toddobaadkan ay xukuumada Koonfurta Sudan ay ku dhowaaqday inay joojineyso sii marsiintii ay sii dhex marineysey dalka Sudan shidaalka ay dibada u dhoofiso. Kadib markii dowlada Sudan ay ku sheegatay lacago faro badan oo ah qarashaadka dhoofinta shidaalka.

Heshiiskan ayaa u muuqda mid sii xumeyn kara khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Kenya. Dhowaan ayaa xukuumada Sudan ku dhowaaqday in ay joojineyso dhamaanba waxyaabaha ay soo saarto ee loo dhoofiyo dalka Kenya isla markaana aysan waxba ka soo iibsan doonin dalka Kenya.

Khilaafka ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii maxkamada sare ee dalka Kenya ay sheegtey in haddii madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashir uu yimaado dalka Kenya la xiri doono iyadoo la fulinayo go’aanka maxkamada dambiyada dagaalka ee ah in la soo taago maxkmada dambiyada dagaalka Madaxweyne Albashiir.

Dhismaha dhuumankan ayaa qaadan karto muddo sanad ah ,hase yeeshee wasiirka u qaabilsan xukuumada Koonfurta Sudan ayaa sheegtey in si degdeg ah loo bilaabi doono dhismaha dhuuntan shidaalka.

Si kasta ha  ahaate xukuumada Sudan ayaan wax war ah ka soo saarin heshiiska ay gaareen labada dal ee Kenya iyo koonfurta Sudan.

Dalka Koonfurta Sudan oo ka go’ay dalka Sudan kadib markii dagaalo ay ka dhacayeen inkabadn soddon sano ayaa dowlada Kenya dhexdhexadin ay ka dhex samaysay waxaa lagu guuleystey in labada dhinac ay xabada joojiyaan kadibna wadahadalo lagu dhameeyo arrimahooda, taasna waxa ay sababtay ugu dambayntii in ay ka dhalato dowlada Koonfurta Sudan.