Dowlada Turkiga oo u duulisey arday Soomaali ah dalkeeda si ay wax ugu bartaan

Arday tiradoodu gaareyso illaa saddex boqol oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa dowlad Turkiga u duulisey dalkeeda si ay wax ugu bartaan.

Ardaydan oo ka kala yimid qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa isugu jira qaar waxbarasho dugsi sare ah iyo qaar kale oo waxbarasho heer jaamacadeed ah.

Sarkaal u hadlay safaarada Turkiga ayaa sheegay in ardaydan ay qeyb ka yihiin arday dowlad Turkiga sanad walba deeqo waxbarasho u siiso ardayda ku nool guud ahaan caalamka, iyadoo ardaydaasi haatan loo oggolaaday in boqolkiiba toban ay ka yimaadaan dalka Soomaaliya.

Ardaydan ayaa waxa ay deeqaha waxbarsho ka bilaabayaan jaamacado iyo qaar kamid ah dugsiyada sare ee dalka Turkiga. Waxaana ardaydan ay isugu jiraan qaar waxabarsho jaamacadeed ku soo qaatay dalka Soomaaliya iyo dibadiisaba.

Dawlada Turkiga ayaa waxaa  ay deeqo waxbarasho siisay boqolaal arday Soomaaliyeed ah iyadoo ardaydaasina ay wax ka bartaan qaar kamid ah dugsiyada iyo jaamacadaha dalka Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here