Dowlada Turkiga oo ku eedeysey dalka Iiran inuu geeyey cunto dhacday dalka Soomaaliya.

Wargeys ka soo baxa dalka Turkiga Hürriyet Daily News ayaa daabacay maanta in baaritaano ay sameeyeen hay’adaha gargaarka dalka Turkiga ee cuntada geeyey ay ku ogaadeen in dawlada Iiran ay geysey dalka Soomaaliya cunto dhacday.

R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo dhowaan booqasho ku yimid dalka Soomaaliya ayaa u sheegay weriyaal la socday in dalka Turkiga ay aad ugaga xumaaden eedeymaha ay ururka Alshabaab u soo jeediyeen ee ahaa in hay’adaha Turkiga dalka Soomaaliya geeyeen cunto dhacday.

R/wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay Soomaaliya u daneyneyso xukuumada Turkiga inay tahay in lala dagaalamo baahida isla markaana la joojiyo in dadka ay u dhintaan baahi.

Wargeyska Hurriyat ayaa qoray in waa cusub uu u baryay dalka Soomaliya tan iyo markii uu magaalada Muqdisho booqday R/wasaaraha Turkiga taasina ay sababtay in qaramada midoobay iyo dalal badan oo caalamka ah ku dhiiradaan inay wax u qabtaan dalka Soomaaliya.