Dowlada Turkiga oo ka hadashay barnaamijka la wareegigada guryihi hore ee dowlada

Safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa beenisay in dowlada Turkiga ay ku lug leedahay howlaha ay dowlada KMG Soomaaliya uga saareyso dadka dhismooyinki hore ee dowlada.

Danjiraha Turkiga u joogo magaalada Muqdisho Dr. Kano Toran oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaarada ee degmada Hodan ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin gurya la,aanta lasoo darastay dadka laga saaray xarumihi dowlada.

“Dadka qaar ayaa sheegaya in Turkiga ay ku lug leedahay howlaha ay dowlada uga saareyso dhismooyinki hore dada rayidka ah, taasi waa been anagana kama codsan dowlada in dadka ay ka saarto iskuulad iyo isbitaalada, waana ka xunahay dadka gurya la,aanta ah ee laga saaray guryihi dowlada, dadkaasina ma ahan in Turkiga oo kaliyah uu wax u qabto ee waxaan ka codsaneynaa caalamka in ay guryo u dhisaan,” ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu sheegay in Turkiga uu ka bilaabayo dhawaan magaalada Muqdisho mashaariicda dayactirka wadooyinka iyo goobaha waxbarashada, sidoo kalana ay bilaabayaan dhismooyinka suuqyo cusub oo laga hir galinayo qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

“Waxan hada wadnaa in suuqyo laga dhiso Muqdisho, waxaanba hada howshiisa wadnaa dhimsaha suuq laga hirgelin doono degmada Boondheere, suuqyadaasi waxaa balan qaaday ra’isulwasaaeaha Turkiga,” ayuu yiri.

Dowlada Turkiga ayaa dhismooyinkeeda ugu horeeyo ka bilaabi doonto dayactirka goobaha waxbarashada ee ay dowlada ka saartay dadki horay u daganaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.