Ciidamada badda Talyaaniga oo badbaadiyay dhowr qofood oo soomali tahriibayaal ah isagoo ka helay inta u dhaxeeso xeebaha liibiya iyo talyaaniga
Ku dhawaad 150 qof ayaa waxaa lagu badbaadiyey biyaha u dhexeeya Taliyaaniga iyo Libya waxaana dadkaani isugu jireen haween, carruur iyo dad da’ ah.
4 kamid Tahriibayaasha ayaa ahaa carruur, halka 30 kamid ahna ay ahaayeen haween, waxaana dhammaan ka muuqatay noolal aad u liidato.
Ciidamadda Badda ee Taliyaaniga ayaa gurmad u fudiyey dadkaani Tahriibayaasha ah waxaana ay ku ay gaarsiyeen Xerooyinka Malta ee dalkaasi Talayaaniga.
Sikastaba Inta Badan Shacabka Soomaaliyeed oo mudo 20 sano colaad ku soo jiray ayaa doorbiday inay naftooda ku biimeeyaan biyaha dalalka Libya iyo Taliyaaniga iyagoo ku fekiraya inay gaaraan dalalka Yurub balse waxa ay kala kulmaan dhibaatooyin fara badan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com