Dowlada Soomaaliya oo ka codsatay Golaha Amaanka ina laga qaado cunaqabateynta hubka

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka codsatay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in laga qaado cuna qabateynta ka saaran dhinaca hubka si ay u xoojiso howlgalada milatari.

Shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho wasiirka gaashaandhiga Xuseyn Carab Ciise ayuu kaga codsaday Qaramada Midoobay in ay soo eegto xaga Soomaaliya oo ay ka dul qaado cuna qabateynta.

Wuxuu sheegay in ay caqabad ku tahay arintasi balse aysan hadii aanan laga qaadin ka joojin doonin in ay meesha ka saaraan ururka Al Shabaab.
“Sida aad la socotaan Dagaal baan ku jirnaa waxan dooneynaa inaan iska xoreyno cadawga, marka muhiimad weyn beey noo leedahay in nalaga qaado cuna qabateynta dhinaca hubka, waan codsaneynaa taa,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa waxaa cuna qabateynta hubka saaray Golaha Amaanka sanadki 1992-ki kadib markaas oo uu dalku cagaha la galay dagaalo sokeeyey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.