Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay filimki lagu caayey Nabi Muxamed (SCW)

Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa cambaareeysay filimki lagu aflagaadeeyey nabigeena Muxamed Bin Cabdullahi (CSW).

Agaasimaha guud Xaaji Maxamed Kheyr ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin filmkaasi oo uu sheegay in ay soo saareen calooshood u shaqeystayaal doonaya in ay iska hor keenaan Islaamka iyo dadka aan Islaamka aheyn.

“Runti diinta Islaamka ayuu meel uga dhacayaa dadkaan calooshood u shaqeystayaasha ah waxay doonayaan in ay iska horkeenaa Islaamka iyo gaalada, Mareykanka waxaan ka codsaneynaa in ay maxkamad soo taagaan dadki ka danbeeyey,”

Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo arintaan ayaa maanta ka dhacay magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin Guriceel, Gaalkacyo iyo deegaanada ay ka taliyaan xarakada Al Shabab.

Masaajidada dalka Soomaaliya ayaa intooda badan maanta qudbada Jumcaha lagu soo qaatay dhibka iyo dhaawaca uu filmka lagu aflagaadeeyey Nabi Muxamad (CSW) ku yahay.

Dibadbaxyo kuwaasi la mid ah ayaa maanta ka dhacay magaalooyin iyo dalal badan oo caalamka ah.

Meelaha ay ka dhaceen waxaa ka mid ah, Sudan, Tunisia, Lubnaan, Bangladesh, magaalada London, magaalada Jalalabad ee dalka Afghanstan, magaalada Brussels, magaalada Gaza, iyo dalalka Nigeria, Sri Lanka iyo Maldives.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here