Dowlada Somalia oo marki ugu horeysay ka hadashay lacagihi la dul dhigay madaxda Al Qacida

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay Tallaabada Mareykanka uu abaal marinta lacageed ugu yaboohay cidii soo sheegta ama soo qabatay 7-ka tirsan Hogaanka Shabaab, kaasoo ay u qoondeysay lacag dhan 33-Milyan doolarka Mareykanka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in yabooha Mareykanka ee ku aadan Hogaamiyaasha Alshabab uu yahay tallaabo loo qaaday dhanka Saxda
Waxaa lagu sheegay in sidoo kale tallaabada ay tahay mid caawin doonta dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku soo afjarto nidaamka Argagixisada ee Al-Qaacidada Soomaaliya ka jirta.

“Yaboohan Mareykanka ee ku aadan Hogaamiyaasha Alshabab waa talaabo loo qaaday dhanka Saxda  runtii waxay noqneysa mid caawin doonta dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay ku soo afjarto nidaamkii argagixisada Al-Qaacida ee ka jiray Soomaaliya. Maadaama uu yahay hogaankii taliska argagixisada, Axmed Cabdi Godane wuxuu masuul ka ahaa dilka dad rayid ah iyo weeraro ay Shabaab u geysatay dalalka dariska la ah Soomaaliya”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

“Dhaq dhaqaaqyadii milatariga ee ugu danbeeyay, dowladda Soomaaliya waxay gacanta ku dhigtay xarumo muhiim ah, sida degmada Afgooye, oo ay Shabaab ka soo maleegi jirtay weerarada qorsheysan oo ay ka fulin jirtay caasimada Muqdisho. Magaalada Afgooye waxay Shabaab ku weysay ilo dhaqaale oo hakad galiyay howlgaladii argagixiso oo ay koonfurta Soomaaliya ka fulin jirtay”ayaa lagu yiri war saxaadadeedka ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta.

Maanta Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad taariikhi ah, iyadoo ay muuqato suuragalnimada indalka uu si buuxdo uga soo kabsado sanadihii lasoo maray ee dagaalka iyofowdada.

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka in ay siiwadaan dadaalka lagu taageerayo hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo inSoomaaliya ay ka guuleysato argagixisada Al Qaacida, kuwaas oo lagu jabiyaytaageeradii shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa cad in dowladda Soomaaliya ay isbadalo badan ka sameysay meelo dhowr ah, oo ay ka mid tahayamniga, dowlad-wanaaga iyo go’aankii ahaa in lagu dhaqan galiyo heshiiskii taabagelinta Roadmap-ka ee lagu soo afjarayay mudada kumeel-gaarka. Si looga faa’iideysto horumarka la gaaray, dowladda Soomaaliya waxa ka go’an in ay magaalada Kismaayo mar dhow gacanta kusoo dhigto.

DHAMMAAD

2 COMMENTS

  1. liis khaldan ayaa loo gudbiyey maraykanka maxaa looga reebay labadaan sheikh dahir away iyo cali dheere iyo kuwo kale oo badan.

Comments are closed.