Dowlada oo ka hadashay duqeymihi cirka ee shalay

Taliska ciidanka milatariga dowlada KMG Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey duqeyn cirka ah oo ay diyaaradaha Mareykanka habeen hore ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntaasi oo lagu beegsaday baabuur ay la socdeen rag ajaanib ah oo loo maleynayo in ay ahaayeen Al Qaacida ayaa xiligaasi marayey inta u dhaxeyso Afgooye iyo KM-60 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Gaaska Koowaad ee dowlada KMG Soomaaliya C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan duqeyn kasta iyo weerar kasta oo lagu yareynayo awooda Al Qaacida.

“Al Qaacida waa koox wadanka qaseyso sida aad ogtahay, waxaa ay col la yihiin dhamaan aduunyada oo dhan, duqeynti ku dhacdayna waxa ay qeyb ka aheyd dagaalki weynaa ee uu aduunka kula jiro, ka ciidan ahaan waan soo dhaweyneynaa wax walba oo gacan naga siinaya dagaalka Al Qaacida,” ayuu yiri.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay ku dileen weerarki habeen hore afar nin oo ay ku sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al Qaaicda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.