Dowlada oo baareyso dilki wariye Fantastic

Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka gaashaandhiga, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in dowlada KMG ay bilowday baaritaanka dilki agaasimihi Shabelle Xasan Cisman Cabdi.

Wareysi uu siiyey idaacada ku hadasho codka dowlada ee Radio Muqdisho ayuu ku sheegay in Mr Carab in la beegsanayo dadka saxafiyiinta ah isaga oo dilkoodana ku eedeeyey in ay ka danbeeyaan Al Shabab oo uu sheegay in loogaga adkaaday dagaalki tooska ahaa.

“Baaritaan weyn baa hada socdo waana soo sheegi doonaa halka uu ku danbeyn doono, waxaad moodaa in la beegsanayo wariyaasha, waxaa jira niman cadaw ah oo kasoo horjeedo horumarka saxaafada iyo dowlada,”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/qadir Jaahweyn oo isna ka hadlay dilka saxafiga ayaa sheegay in falka dhacay uu ahaa mid laga naxay oo ay geysteen kooxo dhagar qabayaal ah, sharcigana lasoo taagi doono.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadki 2006 waxaa lagu dilay ilaa iyo 25 wariye, kuwaasi oo ay toogteen kooxo aanan wali la garan.

Fantastic ayaa noqday wariyihi ugu horeeyey ee sanadkaan 2012 lagu dilo dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.