Dowlada Mauritius oo Soomaaliya ka ogolaatay in dalkeeda lagu maxkamdeeyo burcad badeeda

Dowlada Mauritius ayaa ku dhawaaqday in ay hada kadib dalkeeda lagu maxkamadeyn doono burcad badeeda Soomaalida ah ee lasoo qabto, kadib marki ay sidaasi kula heshiisay dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulada Somaliland iyo Puntland.

Jasiiradan yar ee ku taala Badweynta India ayaa Jimcihi sheegtay in heshiiska uu dhaqan gali doono marka la gaaro bisha June ee soo aadan, kadib wada hadalo mudo socday oo ay heshiis ka gaareen dhinacyada ku lugta lahaa.

Ra’isulwasaaraha dalkaasi Navinchandra Ramgoolam ayaa sheegay in dalkiisa uu door ka ciyaari doono la dagaalanka burcad badeeda, sababtoo ah waxa saameeyey burcad badeeda dadki jasiiradaasi quruxda badnaa u dalxiis tagi jiray sanad walbaa.

Maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee ilaaliya badaha Bada Cas iyo Badweynta India ee lidka ku ah burcad badeeda ayaa marka ay soo qabtaan dad loogaga shakiyo qowleysatada bada waxaa adkaata halki lagu maxkamadeyn lahaa.

Mauritius ayaa ka mid ah dalal fara ku tiris ah oo Africa ku yaala isla markaana bartanka kaga yaala bada ee lagu maxkamadeeyo burcad badeeda, sababtoo ah Soomaaliya wali ma lahan dowlad awood leh inkastoo dowlada KMG ay haatan dhiseyso hey’adihi kala duwanaa iyo kaabayaasha.

Midowga Yurub ayaa bishi July siiyey Mauritius 3 million oo euros ah oo lagu fulinayo howlaha maxkamadeynta iyo dadka loo qabto burcad badeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.