Mareeykanka oo tababar siinaya Ciidamada Kenya

Dowlada Mareyknaka ayaa shaaca ka qaaday inay Tababar siineyso sanadka soo socda ee 2013-ka ciidmada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaliya.

War ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidmo Kenyan h oo gaaray 200 askari ay heli doonaan Tababar heer sareeyo.

Tababarka la siinyo ciidamada Kenya ayaa la sheegay inuu ka saacidi doono la dagaalanka Alshabaab, waa sida lagu hadalka ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga Mareykanka.

Carter Ham oo ah Taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Africa loona yaqaano AFRICOM ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay kula dagaalamayaan alshabaab, kuna taageerayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in qorshahan laga hirgalinayo wadama gaaraya ilaa 35 wadan, kuwaaso ay ka mid yihiin Mali iyo Liibiya.

Ciidamada Kenya ayaa ku biiray howlgalka AMISOM goor dhow, kadib marki ay alshabaab la galeen dagaal sanad socday oo ay ugu dambeyn ku qabsadeen Magaalada Kismaayo.

Mareykanka ayaa taageero siiya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan, isagoo ku dhiirigalinaya inay meesha ka saaraan Ururka Alshabaab oo loo diiwaan galiyay inuu ka tirsan Alqaacidada Caalamka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here